Kobciye

Sharciyada kobciye

Qof walba oo ku soo biira kuna samaysta akoon kobciye waxay ka dhigantahay in uu ogolaaday oo uu u hogaansamayo sharciyadaan.

  • Hal Akoon Kaliya

    Qof walba waxa uu xaq u leeyahay in uu hal akoon oo kaliya ku yeesho Kobciye. Haddii lagugu helo in aad leedahay akoono badan, dhamaan akoonadaada waa la xiri doonaa, laguumana ogolaanayo markale.

  • Hadiyada Soo Dhoweynta

    Hadiyada $3 waxaa loogu talagalay dadka cusub oo kaliya. Haddii lagugu qabto in aad sameysatay akoono badan si aad u qaadato hadiyada, dhamaan akoonadaada waa la xiri doonaa, lacagahaaguna waa laga xanibi doonaa, xitaa maalgashigaaga.

  • Khaladaadka Lacagta

    Haddii lacag si qalad ah loogu soo diro wallet-kaaga Kobciye, waa waajib in aad lacagtaas dib u celiso. Haddii aad diido in aad celiso lacag khaldan, maamulka Kobciye waxa uu xaq u leeyahay in uu kaa mamnuuco isticmaalka Kobciye iyo dhammaan adeegyadeeda.

  • Xisaabinta Faa’iidada

    Faa’iidadaada waxaa lagu xisaabinayaa 24-kii saacba mar laga bilaabo waqtiga aad maal-gashatay. Faa’iidadaadu waxay si toos ah ugu kordhaysaa akoonkaaga Kobciye.

  • Lacag Dirida

    Ugu yaraan lacagta aad diri karto waa $5.

  • Amaanka Akoonkaaga

    Waa in aad ilaalisaa sirtaada iyo xogta akoonkaaga.
    Maamulka Kobciye mas’uul kama aha khasaaraha ka yimaada haddii aad la wadaagto sirtaada ama aad si qalad ah u galiso xog aan sax ahayn.

  • Kabixida Kobciye

    Haddii aad rabto in aad ka baxdo nidaamka kobciye, waxaad xor u tahay in aad joojiso akoonkaaga. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad dib ugu soo noqoto Kobciye, waxaa lagaa rabaa in aad mar labaad aqbasho sharciyada cusub ee maalintaas lagu shaqaynayo.

  • Kalsooni iyo Iskaashi

    Kobciye waxa uu dhisayaa kalsooni ku salaysan wada-shaqeyn, hufnaan, iyo daacadnimo. Waxaan idinka codsaneynaa in aad nala shaqeysaan si nidaamku u ahaado mid ammaan ah oo dad badan ka wada faa’iideysan karaan.

  • Oggolaansho Guud

    Marka aad isticmaasho Kobciye, waxaad ogoshahay dhammaan sharciyada kore, waxaadna ku shaqaynaysaa kalsooni, daacadnimo, iyo xushmad.